U gudub nuxurka muhiimka ah
Get in the game and give the gift of overtime!
Khayraadka Qoysaska ee Tixgelinaya Deeqaha

Go'aankaagu waxa uu badbaadin karaa nolosha

Waxaad haysataa kartida dhifka ah oo awooda badan si aad u badbaadiso oo ay u bogsandaan nafaha dhexda ku deeqida xubin jidhka ah, indhaha iyo nuddaha jidhka - in ka yar 1% oo qof ayaa hela fursada ay ku caawiyaan kuwa kale.Waxaanu garanaynaa go'aankan inuu yimid wakhti adag, oo waxaan halkan u joognaa inaan wadaagno macluumaadka oo ka jawaabno su'aalaga markaas waxaad samayn kartaa doorashada adiga kugu habboon.

Ilaha faa'iidada kuu leh adiga:

Barako oo keliya maaha in qof la siiyo xubin jidhka ah, keli, nud jidhka ah – wax kasta oo ay tahay – waa sharaf in la ogaado sababtoo ah Giovanni, iyo sababtoo ah kuwa kale, dadku way noolaan karaan.

Rolanda, hooyada xubin jidhka bixisada

Waxaanu halkan u joognaa inaan caawino

Isku xidhahaaga deeqda ayaa ka jawaabi kara su'aalo kasta oo aad ka qabto oo waxa uu halkan u joogaa inuu ku taageero ilaa inta hawshu socoto. Si loola hadlo iyaga, ka tixraac kadhka ay ku siiyaan lambarkooda teefoonka ama la xidhiidh kalkaalisadaada.